Daawashada fikradaha khaldan: U-dabaaldegidda ciidda caruurta Soomaaliyeed Dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadan.

Hordhac:

Ciidul-fidriga ayaa ah tii ugu horeysay ee Muslimiinta ay xusaan. Munaasabadan oo ah mid aad u qiimo badan ayaa waxaa lagu soo asteeyey dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan. Waxay ku beegan tahay markii Muslimiinta dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshooyinka ku nool adduunka ay qalbigoodu mahadnaq iyo salaan u diraan  ehelkooda, qaraabadooda iyo deriskooda. waxay hadiyado u diraan asxaabtooda iyo qoysaskooda aadka ugu qaaliga ah si ay ugu muujiyaan jacaylka iyo naxariista ay u haayaan midbba midka kale.

 

Malinta bari ah waxaa la filayaa in dunida muslimka oo dhan looga dabbaal dego munaasabadda Ciiddul-Fidriga, iyadoo markasta oo munaasabadda ciidda la gaarana ay carruurta si wayn uga dhexmuuqdaan damaashaadda ciidda.

Gayiga Soomaaliyeed waxaa maalmaha ciidda lagu arkaa carruur koox koox ah oo ku dheelaya qalabka dagaalka sida bastooladaha caagga ah iyo qoryaha kuwaas oo haddba dhinac isku eryanayo.

Waagii hore, carruurta yaryar waxay siin jireen lacag caddaan ah oo kaga imaan jiray waalidiintooda, qaraabadooda iyo dariskooda, si ay ugu iibsadaan qalabka ay doortaan. Si kastaba ha noqotee, arrimuhu way is beddeleen waqti ka dib, caruur bandanna waxay door bidaan inay gacantooda ku doortaan hadiyadaha kuwa ay jecel yihiin. waalidiin badan ayaa u iibiya oo siiya caruurtooda alaabta ay ku ciyaari lahaayeen. Dareenka dhabta ah, siinta alaabta ay ku ciyaaraan caruurta maaha fikrad xun sababtoo ah waxay ka dhigtaa kuwo aad saaxiibo u ah oo aad ugu faraxsan hadiyada yar ee ay helaan maaalintaas . Doorashada alaabta ay ku ciyaaraan caruurteena waxa ay u saameeyneysaa  si taxadar leh. Dhammaanteen waan ognahay in carruurtu ay jecel yihiin in ay helaan hadiyado gaar ahaan alaabta ay ku ciyaaraan maalinta gaarka ah ee noloshooda. Runtii aad bay u xun tahay oo aan la qiyaasi karin in ilmuhu aanu u helin hadiyad ahaan alaabta ay ku ciyaari lahaayeen.

Hab-ciideedka bulshada soomaliyeed

bulshadeena Soomaaliyeed, inta badan waxey caan ku tahay iibsashada qoryaha carruurta ay ku ciyaaraan. Waa in lagu ciidaa farxad, midnimo, nabad iyo is-afgarad. Si kastaba ha ahaatee, marka la arko caruur si fiican u lebisan oo si qurux badan ugu lebisan qoryaha ay ku ciyaaraan, waxay si uun u xadaysaa farxadda dadka ku xeeran. tani maaha fikrad wanaagsan. Waxaan u baahanahay inaan si wnaagsan uga fakarno marka an usoo iibineyno caruurteena hadiyadaha oo aysan noqon mid saameysa maskaxdooda. Qaar ka mid ah hubka hadda la heli karo waa kuwo aad u casrisan oo gebi ahaanba shabaha hubka dagaalka dhabta ah. Waxay si sax ah ugu eg yihiin bustooladaha iyo qoryaha caadiga ah ee wax dili kara. laga bilaabo bastoolada dilaaga ah, qoryaha AK47 ilaa qoryaha daran dooriga u dhaca. Qalabkani maaha oo kaliya cabsi laakiin sidoo kale waxay abuuraan qas waxayna calaamad u yihiin rabshadaha. Waxaa jira waxyeello ka badan oo ay ku sababi karaan bulshada qeybaheeda kala duwan, sida in mobile, lacag, dhar iyo IWM. Aynu ka fikirno in yar! Sideed dareemeysaa adigoo keligaa ku socda waddo ama waddo yar oo mugdi ah oo si lama filaan ah uu kaga soo baxa, wiil toban jir ah uu kugu soo taagay qoriga ay ku ciyaaraan? cabsi aad u daran ama cabsi awgeed waxay keeni kartaa in qofka uu suuxo, koomo galo ama xataa dhinto. Qof kasta oo naga mid ah ma qiyaasi karo waxa farta lagu fiiqay, waa mid macmal ah ama qori dhab ah marka loo eego is-shabahada caadiga ah ee labada qori.

in kasta oo dhibka, cabsida iyo sawirka xun ee ay inagu tusayso in aannu nahay bulsho nabdoon oo is jecel, haddana waxa jira saamayn kale oo halis ah oo ay leeyihiin qoryahaan ay carruurtu ku ciyaaraan inta badan. Marka hore, waxay ku waxyeellayn karaan naftooda. Marka labaad, waxay dhaawici karaan dadka kale gaar ahaan odayaasha, hooyooyinka iyo xubnaha qalbi jilicsan ee bulshada sida haweenka iyo dadka da”dah ah.

Dhawaaqa xanaaqa leh ee ay sameeyaan alaab-ciyaareedkani gabi ahaanba waa khatar. hadaba maxaynu u rabnaa in aan farxad ku astaysan munaasabdan farxadeed u bedelno mid ay ka buuxaan murugo iyo fowdo annagoo ku farax-sanayn gacalkeena? Qof kastaa waa hubaal inuu faraxsan yahay oo uu sidoo kale ka farxiyo kuwa qaaliga ku ah, laakiin had iyo jeer waa xikmad in la isku dheelitiro gaaritaanka ujeeddada adigoo dhexdhexaad ah oo ku dhaqmaya dareen hufan iyo jihayn. Waalidka ama masuulka muslimka ah ee wanaagsan.sidaa darteed waalidku waa in uu tixgeliyaa  inuu bixiyo tilmaamo ku saabsan alaabooyinka gaarka ah ee loo iibinaayo caruurtooda marka ay siinayaan lacag caddaan ah. Hadii adiga waalid ahaan ay tahay in aad caruurtaada aad u soo iibiso  alaabta ay ku ciyaaraan, markaas waxa jira qalabyo badan oo ay ku ciyaaraan caruurta kale oo leh  midabyo kala duwan. 


Ganacsatada waxyaabo badan oo ay carruurta kaga farxin karaan baa jirta laakiin waa in ganacsatada aysan soo dejin waxyaabaha dhibaatada caafimaad ku reebi kara carruurteena sida baaruudaha, xabbadaha , bastooladaha iyo kuwa kimikada ah."

 

Talo soo jeedin ku socota waalidiinta iyo Ganacsatada soomaliyeed.

Maadama an nahnay Bulsho islaam ah oo leh  dhaqan wanaagsan iyo ku tarbiyeynta caruurtooda diinteenna suuban ee Isalaamka.

Ganacsatada soomaaliyeed  waxyaabo badan oo ay carruurta kaga farxin karaan ayaa jira oo aan dhibaato u keeneynin caruurta soomaaliyeed, sidaa darteed  waa in ganacsatada soomaaliyeed ay  soo dejiyaan waxyaabaha an laheyn waxyeelo oo ka farxin kara caruurta soomaaliyeed, taa badalkeda wa in aysan ganacsatada soomaliyeed aysan usoo dajin waxyaabo ku reebi kara   carruurta dhibaata caafimaad sida baaruudaha, xabbadaha , bastooladaha iyo IWM ah.

Si lamid ah waalidka soomaaliyeed wa in uu ku tarbiyeeyaa falalka Sadaqada: Ku dhiiri geliyaa carruurta inay ka qaybqaataan sama falka inta lagu jiro Ciidda. Waxay ku deeqi karaan dhar, alaabta ay ku ciyaaraan, ama cunto dadka danta yar ee bulshada dhexdeeda. Ka qayb galka iyaga hawlaha samafalku waxay beeraysaa dareen, naxariis, iyo mid ruux ba. Caruurta in ay Qabanqaabiso isu imaatinka bulshada ama xafladaha oo ay qoysaska iyo carruurta Soomaaliyeed isugu yimaadaan si ay ugu ciidaan. Tan waxa ku jiri kara salaadda wadaagga ah, cuntada dheriga, iyo hawlaha kooxeed ee kor u qaada midnimada oo kobciya dareenka lahaanshaha carruurta dhexdooda.

Comments

Popular posts from this blog

A Reflection Internship at Somali Public Agenda: A Life-Changing Journey of Learning and Growth

Four Years Experience Reflection In Mogadishu University