Daawashada fikradaha khaldan: U-dabaaldegidda ciidda caruurta Soomaaliyeed Dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadan.
Hordhac: Ciidul-fidriga ayaa ah tii ugu horeysay ee Muslimiinta ay xusaan. Munaasabadan oo ah mid aad u qiimo badan ayaa waxaa lagu soo asteeyey dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan. Waxay ku beegan tahay markii Muslimiinta dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshooyinka ku nool adduunka ay qalbigoodu mahadnaq iyo salaan u diraan ehelkooda, qaraabadooda iyo deriskooda. waxay hadiyado u diraan asxaabtooda iyo qoysaskooda aadka ugu qaaliga ah si ay ugu muujiyaan jacaylka iyo naxariista ay u haayaan midbba midka kale. Malinta bari ah waxaa la filayaa in dunida muslimka oo dhan looga dabbaal dego munaasabadda Ciiddul-Fidriga, iyadoo markasta oo munaasabadda ciidda la gaarana ay carruurta si wayn uga dhexmuuqdaan damaashaadda ciidda. Gayiga Soomaaliyeed waxaa maalmaha ciidda lagu arkaa carruur koox koox ah oo ku dheelaya qalabka dagaalka sida bastooladaha caagga ah iyo qoryaha kuwaas oo haddba dhinac isku eryanayo. Waagii hore, carruurta yaryar waxay siin jireen lacag c...