Tababarkii Guuleystay

 

Adan Osman Mohamed 

Wan ku faraxasanahy in uu manta ii so dhamaaday tababar ku saabsan sida loo qora blog  oo aan waday mudda bil ah oo ay so xayisiiyeen Somali Public Agenda Xarrunteeda Waxbarashada iyo Horumarinta 27 may 20221, oo an ku guuleystay in an qeyb ka noqda tobobarkaas oo loo baahnaa 15 qof.

 Ugu horeyntii waxan umahadcelinayaa Allah SW oo ii ogolaaday in aan caafimaad iyo amni aan ku dhameeysta koorasdii aan waday muddada bisha ah.

Sidoo kale waxan u umahadcelinayaa dhamaan kooxda Somali Public Agenda oo ugu horeeya agaasime Mahad wasuge iyo Sadik oo ahaa dadkii na hagaaye intii an ku jiray tababarka bishaas..

Waxa igu dhiirigaliye in aan soo codsada barashada koorasadan waxaan aad u daneynaaye in aan noqda qof qoraa ah lehna website aan wax ku daabca taas ayaa igu dhiirgalisay in so codsada koorasadan muhiimka oo an aad u daneynaaye manta Alhamdulillah wan soo gabagabeeyey.

Waxaan ka rajeynaaye in aan wax badan ka faa’idi doona sidii aan filaayane wan ka faa’iday macluumaad aad u fara badan oo ku saabsan qirista blog maadama ay bixinayeen laba macalin oo aad ugu xeeldheer wax qorista kana shaqeeya cilmi baaris manta waxan is leeyahay waxad heshay furihii ugu horeeyay inta ii dhimane wan sii wadi doona hadii Ebbe idmo insha Allah. .

Mudadii bisha aheyd waxaan ku shaqeyn jirnay jadwal maalinle ah jadwalkaas waxa uu haa in aan malinta sabtida ah cashar qaadana, saddex maalin ee xigtana waxan sameyn jirnay shaqa guri oo aan soo qaban jirnay casharka aan qaadana maalintaas waxa dib u eegis ku sameyn jireen agaasime Mahad Wasuge iyo Sadik oo ahaa dadkii nagu hagi jiray muddada uu tobnoraka socday sidoo kalane ahaa macalimiintii tababarka na siin jiray.

Maalinta khamiista waxa ay inoo sameyn jireen in ay inoo keenan dad masuuliyiin ah oo leh websityo ay wax ku daabacan oo nala wadaaagi jiray khibradooda, fursadaha iyo caqbadaha uu leeyahy iyo sida aan kuso jiidan karno dad aqristayaal ah.

Todobaadkii ugu horeye waxan ku bartay maxa la dhahaa blog, blog post iyo noocyada blog kadib waxaa xigay shaqa practical ah oo naloo diray aniga iyo saaxibadeyda shaqadaas waxey aheyd in aan sameysana blog inkastoo aniga aan lahaa blog post  aan  horay u sameysatay, markii aad sameysatid blog post waxa xigay in aad nafsadada ka diyaarisid warbixin.

todobaadka labaad waxan ku bartay wax yaabo aad muhiim u ah oo ay ka mid yihiin maxan wax ka qoraa, luqad noocee ayaan isticmaalaa markan wax qoraaya, side ayaan u sameysana cinwaan soo jiidasho leh, side ayuu usoo jiidan kara qoraalka gudaha ku jira aqristayaal badan, sideen aan u heli kara sawiro ku saabsan waxaan waxka qoraaya iyo siden u sameyn kara cilmi baaris sax ah,iyo applications loo isticmaalo qoraalka sida Google doc  intaasine  iyo in ka badan waxan ku bartay todobaadka labaad.

Todobaadkii saddexda waxan ka bartay sida wareeysi loo qaada kadibna wax looga qora, qofkii aad wareeysatay, sidee loola tacaamula, cinwanada xasaasiga ah sidee ayaan ula tacaamula, side ku joogteyn kara qorista blog iyo sida loo taxliilin kara waxi aan post kareeye.Waxaa I xigay assignment ku saabsan in an wareysi soo qaadna oo an taxliiliyo waxna ka qorna.

Todobadkii afaraad waxan ku bartay side Sara loogu qaada blog post adigoo kula wadaagaya saxiibadada baraha bulshada sida Facebook, Twitter, Instagram iyo WhatsApp

 Qorshaha aan ka leeyahay blog post an sameysatay Waxan sii wadi doonaa qorista blog insha Allah waaxn sameyn donaa in aan qora bishii hal blog hadii Eebe raali ka noqda insha Allah waxan ku haminayaa in aan sara u qaada xirfada wax qorista iyo aqrinta Insha Allah.

Ugu danbeyntii waxan ku faraxasanahay in aan dad, xirfada iyo aqoon ka bartay tobobarkii ay inoo qabatay Somali Public Agenda waxan si gaar ah ugu mahad celinayaa agaasime Mahad wasuge iyo Sadik oo si hagar la’aan ah inoo siiye tobabar heerkiisu sareeya intii an wax ka baraneynay hay’adda Somalia Public Agenda.  


 


Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Daawashada fikradaha khaldan: U-dabaaldegidda ciidda caruurta Soomaaliyeed Dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadan.

Four Years Experience Reflection In Mogadishu University

My Reflection on the TNE Training Program: A Truly Transformative and Life-changing Six Months;